Hon.
Jaamac C/llaahi Qaalib wuxuu ku dhashay
magaalada Jameeca Weyn ee magaalada Hargeysa
ee gobolka W/Galbeed ee dalka Soomaaliya,
sanadkii 1930kii, wuxuuna Quraanka & afka
Carabiga ku bartay dugsigii Sh. Haaruun ee
magaalada Hargeysa.
Sanadkii 1947dii
wuxuu Hon. Jaamac C/llaahi Qaalib u dhoofay
magaalada Cadan ee dalka Yemen, isla
markaana si wanaagsan uu ugu soo bartay
afafka Ingiriiska & Carabiga, halkaas oo uu
ku noolaa walaalkii Axmed C/llaahi Qaalib oo
loo yaqaanay “Gelin”, xubinna ka ahaa
guddigii erey bixinta ee markii la qoray
afka Soomaaliga.
Sidoo kale Hon.
Jaamac C/llaahi Qaalib wuxuu sanadku markuu
ahaa 1950kii ku tagay magaalada London ee
dalka Ingiriiska, wuxuuna dalka dib ugu soo
laabtay sanadkii 1956dii ka dib markii uu
soo dhameystay waxbarashadiisii, isaga oo
isla sanadkaas ka bilaabay magaalada
Hargeysa dhaqdhaqaaqyo dhinaca ganacsiga.
Sanadkii 1957dii
wuxuu Hon. Jaamac C/llaahi Qaalib xubin ka
noqday dhaqdhaqaaqii dhinaca siyaasadda ee
la oran jiray Somali National League ee
marka la soo gaabiyo loo yaqaanay “SNL”.
Labo sanadood ka dibna waxaa loo doortay in
uu xubin ka noqdo Golihii sharci dejinta ee
Somaliland, waxaana laga soo doortay degmada
Salaxleey ee gobolka Waqooyi Galbeed ee
dalka Soomaaliya.
Intii aanu
Somaliland qaadan madaxbannaani Hon. Jaamac
C/llaahi Qaalib oo loo yaqaaanno “Diir
Qadhaadh” waxaa loo doortay in uu noqdo
guddoomiye ku xigeenkii Golihii Sharci
dejinta ee maamulkii maxmiyadda dalka hoos
iman jiray dalka Britian, sanadku markuu
ahaa 1959kii, ka dib markii ay Somaliland
qaadatay madaxbannaanideedii waxaa loo
doortay Guddoomiyihii Golihii baarlamaanka
ee Somaliland, 26kii bishii June, sanadkii
1960kii.
4
maalmood ka dib markii ay Somaliland
qaadatay madaxbannaanideedii, waxaa dhinaca
kale xornimo qaatay koofurta dalka
Soomaaliya ee hoos iman jiray maxmiyaddii
dalka Talyaaniga, isla markaana midoobay
2dii gobol ee Waqooyiga & Koofurta isla
markaana sameeyay magaca Jamhuuriyadda
Soomaaliya ama Somali Republic, intaas ka
dibna waxaa Hon. Jaamac C/llaahi Qaalib loo
doortay in uu noqdo Guddoomyihii ugu
horreeyay ee Golihii Baarlamaanka ee
Jamhuuriyadda Soomaaliya, wuxuuna xilkaasi
hayay illaa laga soo gaaro sanadkii 1964tii.
Sanadkii 1963dii
wuxuu Hon. Jaamac C/llaahi Qaalib guddoomiye
ku xigeen ka noqday ururkii loo yaqaanay SNC
ee uu hoggaamin jiray Hon. Sheikh Cali
Jimcaale Baraale, isla markaana uu Xoghaye
Guud ka ahaa Hon. Max’ed Xaaji Ibraahim
Cigaal.
Doorashooyinkii
dalka Soomaaliya ka dhacay taariikhdu markii
ay aheyd 27dii bishii May, sanadkii 1964tii
waxaa loo doortay in uu noqdo guddoomiyihii
Golihii baarlamaanka ee dalka Soomaaliya
Axmed Sheikh Max’ed Cabsiiye isaga oo
xilkaasi kala wareegay Jaamac C/llaahi
Qaalib, ka dib markii guddoomiyihii hore
doorashooyinkii dhacay dib loogu soo dooran
waayay., wuxuuna xilkaasi hayay illaa laga
soo gaaro sanadkii 1964tii.
Wixii ka
dambeeyay sanadkii 1969kii markii ay talada
dalka Soomalaiya la wareegeen ciidamada
Qalabka ee dalka Soomaaliya wuxuu Hon.
Jaamac C/llaahi Qaalib wuxuu ku nool yahay
magaalada Lusaka ee dalka Zambia, waqtiga
buuggani qormay, halkaas oo uu ku noolaa
waqti dheer, kana hayay howlo dhinaca
ganacsiga ah, da’diisuna waa 81 jir. |