Xildhiban
Publications:- MA OG TAHAY IN:- Magaalada Ketrineholm oo looga
dhawaaqay Golaha dhaqanka Allaha u naxariistee
Abwaan Cabdulle Raage Taraawiil & "HABEENKII DHAQANKA & SHIRIBKA SHAACIYE".
Laashinkii caanka ahaa Xussein "Madoobe" &
Laashimiintii kale ee ka soo qeybgashay kulankaasi
wacdaro la yaab lehna ku soo bandhigeen.
Mahaan ka akhriso.
Talaado, September 02, 2014 (HOL) — Shirweyne looga
dhawaaqa gole dhaqan oo loogu magac-daray abwaan Cabdulle Raage Taraawiil ayaa
lagu qabtay magaalada Kartinholm ee dalka Sweden.
Xafladda ayaa waxaa ka qaybgalay laashimiin, fannaaniin iyo abwaan si aad ah u
qiimeeya suugaanta Soomaalida, iyadoo intii ay xafladdu socotay ay ka qaadday
heeso afka Soomaali gabar Swedish ah oo u soo labisatay sida ay u labistaan
haweenka Soomaaliyeed.
Nuur Cali Gacal oo ka mid ah guddiga
qabanqaabada munaasabadda oo ka jeediyay hadalk furitaankii xafladda ayaa
sheegay inay sharaf weyn u tahay inay dalka Sweden ku qabtaan munaasabad ay ku
dhisayan gole dhaqan oo ay ugu magac-darayaan Abwaan Taraawiil.
"Waxaa maanta sharaf inoo ah inaan halkan ku qabanno munaasabad aan ku dhisnayso
golaha dhaqanka Abwaan Cabdulle Raage Taraawiil, waxaana kasoo qaybgalay
abwaanno, qorayaal iyo dad ajaanib ah," ayuu yiri Gacal.
Guddoomiyaha ururka SRFF, C/nuur Ciise oo isaguna ka hadlay
xafladdan oo ay kasoo qaybgaleen boqolaal Soomaalida Sweden ku nool ah in waxa
isku keenaya Soomaalida, sharafna iyo qadarrina ay ku leeyihiin uu yahay
dhaqanka iyo hiddaha, isagoo xusay inuu mar walba ku talinayo in la kala saaro
siyaasadda iyo dhaqanka.
“Maanta waxaa farxad weyn ii ah inaan isugu imaanno kulankan oo aan ku doonayno
inaan uga hirgelinno Sweden gole aan ugu magacdarayno mid ka mid ah abwaaniintii
waaweyneyd ee Soomaaliyeed, Allaha u naxariisteen, Abwaan Cabdulle Raage
Taraawiil, waxaana Soomaalida kula talinayaa inay mar walba kala saaraan
dhaqanka iyo siyaasadda,” ayuu yiri C/nuur Ciise.
Intaa kaddib waxaa la sameeyay doorashada
guddoomiyaha KMG ah loogu doortay golaha dhaqanka ee
Taraawiil, Xuseen Cabdulle Xasan (Madoobe) oo ah
abwaan hal-abuur dhinaca shiribka ah, iyadoo
xubnihii goobta ka hadlay ay sheegeen in ay ka go’an
tahay in golahan aysan uga harin ku dhawaaqis keliya
balse ay ka go’an tahay inay xoojiyaan.
Qoraaga Soomaaliyeed ee C/casiis "Xildhiban" oo
xafladda ka hadlay ayaa sheegay in golaha si KMG ah
loogu doortay guddoomiye, Xuseen Madoobe isagoo
sheegay inay ugu hambalyeynayaan xilka loo
magacaabay.
Dhanka kale, Xuseen Madoobe oo isaguna hadlay ayaa
sheegay inuu si weyn u soo dhaweynayo in golahan
loogu doorto guddoomiye KMG ah, ayna ka shaqeyn
doonaan sidii uu u noqon lahaa mid meel sare gaara,
isaguna uu u gudan doono waajibaadka la saaray sidii
loogu talo-galay.
“Howsha dhismaha golahan waxaan daba-soconnay muddo
afar sano ah, in lagu dhawaaqana waa mid aad farxad
inoogu ah dhammaantee, howshan inteeda badan waxay
ka socon doontaa Muqdisho, xafiiska goluhu waxaa
laga hirgelin doonaa Muqdisho,” ayuu yiri Xuseen
Madoobe oo xafladda ka hadlay.
Ugu dambeyn, Baarliin M. Caddaawe oo ka tirsan
golaha fulinta ururka ayaa u mahadcelisay
marti-sharaftii kasoo qaybgalay xafladda, sida
qoraayaasha Soomaaliyeed, abwaannada,
sugaan-yahannada iyo cid walba oo fanka qayb uga
jirta ee joogtay kulankaas.
Gunaanadkii munaasabadda ayaa waxaa heeso iyo ciyaaro kala duwan kusoo
bandhigay fannaaniin Soomaaliyeed, kuwaasoo dadkii
xafladda kasoo qaybgalay ay aad ugu riyaaqeen.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya