S/Guuto Axmed Suleyman Dafle wuxuu ku dhashay magaalada Burco ee gobolka Togdheer sanadkii 1937dii.
Hooyadiis Arda Xussein isaga oo 13 jir ayay geeriyootay, aabihiisna wuxuu geeriyooday sanadkii 1974tii
Quraanka wuxuu ku bartay dugsi ku yaallay magaalada Burco, sanadkii 1949kiina wuxuu dugsi waxbarasho ka galay magaalada Hargeysa.
Sida ku qoran buugga Taariikhdii Golihii Sare ee Kacaanka ee soo baxay bishii Oktoobar sanadkii 1977dii Axmed Suleymaan Dafle wuxuu ahaa ninkii ugu horreeyay ee xisbigii SYL xafiis ay leedahay ka fura magaalada Hargeysa sanadkii 1944tii. Axmed Suleyman Dafle wuxuu ka qeyb galay bannaanbaxyadii looga soo horjeeday wareejintii dhulka Soomaalida ee Reserve Area lagu wareejiyay dalka Ethiopia ee dhacay 1954tii.
Sanadkii 1955tii wuxuu Axmed Suleymaan Dafle wuxuu dhammeystau waxbarashadii dugsiga Sheikh, wuxuuna ka mid noqday arday dhowr ah oo la siiyay waxbarasho Machadka Farsamada ee Cadan. Axmed Suleymaan Dafle waxa uu ka mid ahaa dhallinyaradii wax ka hirgelisay dhaqdhaqaaqii la oran jiray Naasariya ee dalka Masar oo ahaa kacaan ay ka shidaal qaataan ummado badan.
Axmed Suleymaan Dafle wuxuu dalka dib ugu soo laabtay sanadkii 1958dii, wuxuuna macallin ka noqday dugsiga dhexe ee magaalada Camuud. Sanadkii 1959kii waxaa waxbarasho dhinaca militeriga loogu diray “Royal Military Academy” ee dalka Ingiriiska, halkaasi oo uu tacliinta sare ee ciidamada lugta ku baranayay muddo 3 sanadood ah.
Wuxuu dalka dib ugu soo laabtay 1962dii isaga oo 1 xiddigle ah, wuxuuna tababare ka noqday dugsigii saraakiisha ee magaalada Muqdisho. Sanadkii 1963dii ayaa loo dallacsiiyay derajada 2 xiddigle wuxuuna taliye ku xigeen ka noqday urur magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan.
Dagaalkii ay Ethiopia ku soo qaadday dalka Soomaaliya sanadkii 1964tii wuxuu ciidamo ay hoggaaminayeen dagaal ka galeen magaalada Feerfeer, dagaalkaas oo lagu guddoonsiiyay bilad geesinimo.
Sanadkii 1965tii waxaa uu u dallacay derajada 3 xiddigle ama dhamme, waxaana loo magacaabay taliyihii ururka ee magaalada Gaalkacyo, ka dib markii uu dhammeystay tababar uu u galay qabashada taliyaha ururkaas.
1967dii Axmed Suleymaan Dafle waxaa uu taliye urur ka noqday ciidamadii fadhigoodu ahaa magaalada Seylac oo ku began waqtigii aftida laga qaadayay dalka Jabuuti.
Bishii September sanadkii 1967dii wuxuu madax ka noqday xafiiskii wardoonka ee ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isla markaana wuxuu waqtigaas ahaa taliyaha xoghayaha taliyihii ciidankii Xoogga dalka ee Max’ed Siyaad Barre.
Axmed Suleymaan Dafle 1968dii wuxuu u dallacay derajada Gaashaanle, sanadkii xigay ee 1969kii wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ciidamada ee talada dalka kula wareegay Kacaan aan dhiig ku daadan.
Sanadihii 1970kii -1971dii Axmed Suleymaan Dafle waxaa uu 2 jeer loo dallacsiyyay derajooyinka G/Dhexe & G/Sare
8dii bishii January sanadkii 1971dii Axmed Suleymaan Dafle wuxuu noqday taliyihii ciidankii nabadsugidda Qaranka, ka dib markii la isu geeyay labadii xafiis ee la oran jiray;-
1. Special Branch
2. Wardoonkii sirta ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Axmed Suleymaan Dafle intii uu taliyaha ka ahaa ciidamadii Nabadsugidda Qaranka waxaa uu ku guuleystay shirqoolladii & mu’aamaraadkii marar badan imbiriyaaliyadda la doonayeen in ay ku kufiyaan Kacaankii 21kii Okroobar.
Sanadkii 1974tii wuxuu xubin ka noqday guddigii Golaha Sare ee Kacaanka isla markaana u qaabilsanaa dhinaca nabadgelyada.
1976dii ka dib markii la dhisay Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed waxaa loo dallacsiiyay derajada S/Guuto, isla markaana ah taliyihii ciidankii Nabadsugidda Qaranka.
Isha qoraalkan;
C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"
Ogeysiis: Qoraalladan Taariikhda ah waxaa ka mamnuuc ah in aad daabacdo ama aad ku soo bandhigto wargeys, haddii aad u baahato fadlan la xiriir bahda wargeyska uu cinwaankiisu yahay www.xildhibanpublications.com ama qoraha caanka ah ee C/casiis Cali Ibrahim (Xildhiban)
Xildhibanpublications. London |