XILDHIBAN Publications Xildhiban Publications

Home

Publications

About us

Gabayo & Guurow

Heesaha

Photo Gallery Contact us

Home

Publications

About us

Photo Gallery

Contact us

Wareysi VOA dood
ku saabsan qoraalka
Soomaaliga

Wareysi  ay laanta afka
Soomaaliga BBC la yeelatay C/casiis "Xildhiban"

Somali Radio

Barnaamijyada Idaacadda 04:00 GMT

Barnaamijyada Idaacadda 11:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 14:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 18:00 GMT
 

  4:00PM

  7:00PM

  8:00PM

Somali Links

Aminarts
Allpuntland
Allceeldheer
Dayniile
Dhagaxtuur
Hamarey
Hiiraan
Hornafrik

Markacadeey

Midnimo
Mareeg

Puntlandpost

Qaranimo

Shabelle

Somaliweyn

Somalitalk

Solamusic

Universal TV

Xamardaye

International News Agencies

Aljazeera

Arabnews

Reuters

Washington post

BBC

CNN

More Somali Books
Coming soon

Date:  

C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"


Xildhiban Publications Presents
Taariikh nololeedkii

C/casiis "Xildhiban"

Qoraha Buugga C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban" wuxuu ku dhashay isla markaana ku barbaaray magaalada Muqdisho, wuxuuna waxbarashadiisii Quraanka iyo Dugsiyadii Hoose, Dhexe iyo Sare-ba ku dhameystay magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka bartay culuunta Siyaasadda, gaar ahaan, Focolta' Sceinze Politiche e' Relazione Internationale, Universita' della Studi di Firenze ee dalka Talyaaniga. 

C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban", wuxuu ka tirsanaan jiray dhallinyaradii waaxdii Barbaarinta Wasaaraddii Waxbarashada iyo barbaarinta ee Soomaaliya, wuxuuna kaalin weyn kaga jiray dhallinyaradii sida cad cad uga muuqan jirtay masraxyadii Farshaxanka iyo qoraallada "Slogan"-nada ee dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxaana lagu naaneysi jiray C/casiis Arts, halka hadda luga naaneyso C/casiis "Xildhiban". Qaran burburkii ka dib wuxuu ka mid ahaa qandaraasleydii howlaha u qaban jirtay howlgalladii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya intii u dhaxeysay bartamihii 1992-dii xilligaas oo ay dalka yimaadeen Ciidamadii UNITAF iyo kuwii ka socday Qaramada Midoobay ilaa horraantii sanadkii 1995-tii xilligaas oo ay isaga baxeen dalka.

Sanadkii 1995tii wuxuu noqday Guddoomiyahii Naadigii Danaha Bulshada Soomaaliyeed ee laga aasaasay magaalada Muqdisho, sidoo kale wuxuu mar walba ka dhex muuqan jiray guddiyadii xallinta khilaafaadyadii ka jiray magaalada Muqdisho, ka dib 1999kii wuxuu noqday xubin ka tirsan Guddiga Arrimaha Dibedda isla markaana ah wakiilkii Golaha Wadatashiga Soomaaliyeed. 7dii Bishii Juun Sanadkii 2004ta waxaa loo doortay Xoghayaha guud ee Dhaqdhaqaaqa Nabadda Soomaaliyeed.

Qoraagu wuxuu si xoog leh ugu ololeeyaa nabadgalyo buuxda oo ka dhacda dalka ay dagaalladu sokeeye aafeeyeen ee Soomaaliya, wuxuuna si aan leexleexad laheyn har iyo habeen inta badan waqtigiisa geliyaa sidii ay dadkiisa Soomaaliyeed u nabadoobi lahaayeen.

Qoraagu wuxuu weeraro iyo dhaliilo aan kala go' laheyn u jeediyay dhammaan Hogaamiyayaashii Ururrada Siyaasadda ee mas'uulka ka ahaa dagaallada, xasuuqyada, afduubyada, dilalka & dhaca joogta ah ee lala beegsaday dadka Soomaaliyeed.

C/casiis "Xildhiban" wuxuu ku soo caan baxay nabaddoonnimo iyo dhaliilaha uu u jeediyo Hogaamiyayaasha halaagga baday Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed, wuxuuna si joogto ah ugu ololeeyaa sidii isbadallo Dimoqraadi ah uga dhici lahaayeen guud ahaan dalka Soomaaliya, Sidoo kale wuxuu horey u soo saaray baaqyo nabadeedyo aan kala go' lahayn oo uu ugu baaqayo Soomaalida sidii ay u nabadoobi lahaayeen, ugana heshiin lahaayeen qilaafyada sababa isku-dhacyada, wuxuuna dalka dibedda uga soo baxay sanadkii 1998-dii ka dib markii ay hanjabaado u soo jeediyeen dhinacyadii mas'uulka ka ahaa geerida maaliyiin dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan oo loo dilay sababo aan la micneyn karin. 

C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban" wuxuu Bishii 19-kii February sanadkii 2005-ta  soo saarey buuggiisii ugu horreeyay isla markaana uu ugu magacdaray "Waxay kuu dhigeen ma kugu dhaqeen?" buuggaas oo uu ka diyaariyay Dastuuradii Axdiyadii & Xeerarkii loo dhigay dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya. Tan iyo markii la qaatay xorriyadda, isagoo weliba tixgaliyay ismaamul gobolleedyada Soomaaliya ka abuurmay, magaca ay doonaan ha qaataane, tan iyo intii uu Qaran burburku dhacay. Sawirro iyo muuqaallo taariikheed iyo kuwo dhacdooyin muhiim ah xambaarsan laga soo bilaabo madaxbanaanidii iyo waayihii lagu jiray Qaran burburka ee Soomaaliya.

29-kii bishii July sanadkii 2005-ta qoraal ka soo baxay xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya, xarunta dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in uu ka mid yahay wefdi uga qeybgalaya dowladda Soomaalida shir lagu qabtay magaalada CAUX ee dalka Switzerland. Wuxuuna 09kii-21kii bishii August sanadkaas ka qeyb galay shirweynahaasi oo ay ka qeybgaleen dalalka dunida wakiillo ka socda & Bulshada Rayidka isbadal-doonka ah. Eeg warqadda ay sumaddeedu tahay;- Ref:OPM/125/05 kuna taariikheysan Jowhar:29 July 2005.  

Horraantii bishii August sanadkii 2005-ta isbedal lagu sameeyay Dhaqdhaqaaqa Nabadda Soomaaliyeed oo uu horey uga ahaa Xoghayaha Guud ee Dhaqdhaqaaqaas, waxaa  loo doortay in uu noqdo Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Dhaqdhaqaaqa Nabadda Soomaaliyeed ahna wakiilka Jaaliyadaha ku dhaqan Europe. 

Bishii November sanadkii 2006dii wuxuu soo saaray buuggii Taxanaha Taariikhda Soomaaliya oo lagu daabacay magaalada London isla markaana lagu soo bandhigay 17kii bishii December 2006 magaaladaas.

Horraantii sanadkii 2007 waxaa loo doortay in uu noqdo Xoghayaha Guud ee Dhaqdhaqaaqa Nabadda Soomaaliyeed “Somali Peace Council”, sidoo kale isbaddel lagu sameeyay dhaqdhaqaaqaas bartamihii bishii May sanadkii 2008da mar kale loo doortay in uu noqdo Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Somali Peace Council.

Bishii October sanadkii 2007dii wuxuu soo saaray buugga Maahmaahyo Murti & Madadaallo oo ka hadlaya dhaqanka & hiddaha wanaagsan ee ummadda Soomaalida ah. Sidoo kale wuxuu 12 bishii April sanadkii 2008da soo wada saaray labada buug ee kala ah;-

1.    Sooyaalkii Suugaanta Cabdulle Raage Taraawiil;

2.    Xulka Maansooyinka Soomaaliyeed.

Bishii 25-26kii bishii October sanadkii 2008, wuxuu ka qeybgalay bandhig buugaagta Soomaalida oo ka dhacay magaalada Stockholm ee dalka Sweden.

Dabayaaqadii bishii December sanadkii 2008dii kulan ka dhacay magaalada Birmingham ee gobolka West Midland ee dalka Ingiriiska waxaa loo doortay in uu tafaftire ka noqdo wargeyska Gorgor News “GMG” oo bishiiba mar ka soo baxa dalka Ingiriiska.

Sidoo kale 11-12kii bishii March sanadka 2009ka wuxuu ka qeybgalay kulankii qoreyaasha Soomaaliyeed ee lagu qabtay magaalada Helsinki ee dalka Finland.

Abdulkadir Ahmadei Moh’ed
Toronto
, Canada

Isha qoraalkan;
C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban", London

xildhiban@hotmail.com

Ogeysiis: Qoraalladan Taariikhda ah waxaa ka mamnuuc ah in aad daabacdo ama aad ku soo bandhigto wargeys, haddii aad u baahato fadlan la xiriir bahda wargeyska uu cinwaankiisu yahay www.xildhibanpublications.com ama qoraha caanka ah ee C/casiis Cali Ibrahim (Xildhiban)


Xildhibanpublications. London

 
WAXAY KUU DHIGEEN MA KUGU DHAQEEN

Waxay kuu dhigeen ma kugu dhaqeen

.

Taxanaha Taariikhda SOOMAALIYA

Taxanaha Taariikhda Soomaaliya

 

MAAHMAAHYO Murti & Madadaallo

Maahmaahyo Murti
& Madadaallo

.

More Books ....

Coming soon

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA


Coming soon

Dal aan dalkiisa Damqasho Laheyn

Dalaan dalkiisa Damqasho Laheyn

Home   |   Publications   |   About us   |   Photo Gallery   |   Contact us

_______________________________________________________

Copy Right xildhibanpublications.com ® All Reserved 2008