Last update: Axad - 23 Sep 2007
Jen. Daa'uud Cabdulle Xersi wuxuu dhashay sanadka markii uu ahaa 1924kii
Jeneraal Daa'uud wuxuu ahaa General-kii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee dallacaad noocaas oo kale ah muta heysta tababar dhinaca ciidamada ah.
Markii ay Soomaaliya noqotay dal madaxbannaan waxaa loo magacaabay Taliyahii ugu horreeyay ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Madaxweynihii ugu horreeyey ee dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya Allaha u naxariistee Aadan Cabdulle Cusman "Aadan Cadde" ayaa u magacaabay in mar kale uu noqdo taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Xubno ka tirsanaan jiray qeybihii ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed & intii ay u suurtagashay in ay la kulmaan waxay ku tilmaameen in uu ahaa nin iimaan badan diinta Islaamkana wax badan ka yaqaannay, af gaaban, aaminna ahaa, dadkana aan kala jecleysan, yaqaannay xilka & waajibaadkii ka saarnaa illaalinta & dhowritaanka midnimada & wadajirka xubnahii ka tirsanaa ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Jeneraal Daa'uud wuxuu geeriyooday isaga oo ku sugan dalkii la oran jiray USSR ee Midowgii Sofiyeeti sanadkii 1965tii, ka dibna waxaa lagu aasay magaalada Muqdisho, sida uu ii sheegayna S/Guud Max'ed Cali Samatar in maalintii la aasayay loo dalacsiiyay S/Gaas maamuus & qaddarin ciidamada Soomaaliya dhexdooda uu ku lahaa darteed.
Codsi:- ruuxii ay u suurtagal u tahay helitaanka xog dheeri ah oo ku saabsan taariikh nololeedkii Allaha u naxariistee Jeneraal Daa'uud Cabdulle Xersi in uu nala soo xiriiro.
Mahadsanidiin.
Isha Qoraalkan:-
C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"
|