XILDHIBAN Publications Xildhiban Publications

Home

Publications

About us

Gabayo & Guurow

Heesaha

Photo Gallery Contact us

Home

Publications

About us

Photo Gallery

Contact us

Wareysi VOA dood
ku saabsan qoraalka
Soomaaliga

Wareysi  ay laanta afka
Soomaaliga BBC la yeelatay C/casiis "Xildhiban"

Somali Radio

Barnaamijyada Idaacadda 04:00 GMT

Barnaamijyada Idaacadda 11:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 14:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 18:00 GMT
 

  4:00PM

  7:00PM

  8:00PM

Somali Links

Aminarts
Allpuntland
Allceeldheer
Dayniile
Dhagaxtuur
Hamarey
Hiiraan
Hornafrik

Markacadeey

Midnimo
Mareeg

Puntlandpost

Qaranimo

Shabelle

Somaliweyn

Somalitalk

Solamusic

Universal TV

Xamardaye

International News Agencies

Aljazeera

Arabnews

Reuters

Washington post

BBC

CNN

More Somali Books
Coming soon

Date:  

Taariikh nololeedkii Ra'iisul wasaare


Taariikh nololeedkii Ra'iisul wasaare
Max’ed Cabdi Yuusuf

Last update:  Isniin - 12 October 2009

Max’ed Cabdi Yuusuf wuxuu ku dhashay magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug ee dalka Soomaaliya 1dii bishii July, sanadkii 1941dii. Allaha u naxariistee aabihii Cabdi Yuusuf Cali-jaah wuxuu ku geeriyooday dagaalkii ka dhacay magaalada Muqdisho sanadkii 1949kii dagaalkaas oo ahaa dagaalkii lagu magacaabi jiray Dhagaxtuur.

Aabihiis wuxuu ka mid ahaa halgameyaashii ururkii SYL ee dagaalkaas ku geeriyooday, xilligaas oo uu Max’ed Cabdi Yuusuf jiray da’da 8 sano, xilligaas oo ay xubnihii SYL ugu deeqeen in uu wax ka barto dugsiyadii uu maamuli jiray ururkaasi eek u yaallay magaalada Muqdisho, dugsigaas oo la oran jiray waxbarashadii Hoose/Dhexe iyadoo dugsigii sarena dhigtay Scoula Commerciale Reggioneria Generale ee xaafadda Xamar Jajab  ee magaalada Muqdisho.

Sanadkii 1960kii markii ay Soomaaliya qaadatay madaxbannaanideedii shaqo ka bilaabay Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta, qeybteeda garoonka diyaaradaha (airport), wax yar ka dibna wuxuu ku biiray Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed, wallow uu markii dambe isaga tagay, ka dib markii ay soo foodsaartay xaalad caafimaaddarro.

Dabayaaqadii sanadkii 1969kii markii ay saraakiishii ciidamada ay talada dalka Soomaaliya kula wareegeen xoogga la hanaqaaday Kacaankii ka dhashay Soomaaliya, wuxuuna waxbarasho loogu qaaday magaalada Moscow ee dalkii la oran jiray Midowga Sofiyeeti ee USSR, muddadii u dhaxeysay 1972dii – 1974tii, wuxuuna wax ka soo bartay Kuliyadda Siyaasadda iyo Falsafadda Hantiwadaagga Cilmiga ku dhisan ee dalkaasi.

Dib markii uu dalka dib ugu soo laabtayna Max’ed Cabdi Yuusuf wuxuu ka soo shaqeeeyay gobollada dalka Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Waqooyi Galbeed & Sanaag, wuxuuna ahaan jiray (pro) xafiiskii siyaasadda kacaanka laga fulinayay qaybta kicinta iyo wacyigalinta bulshada Soomaaliyeed.

1974-kii xilligii abaarta Dabadheer ku habsatay gobollada waqooyi Soomaaliya Max’ed Cabdi Yuusuf waxa uu ka mid noqday raggii dowladdii kacaanka u xilsaartay rarista iyo dib u dejintii ummaddii danyarta aheyd ee ku barakacday ama ku faqrisay abaartii DABADHEER waxaa dadkaasi la dejiyay gobollada Shabeellada Hoose iyo Shabeellada Dhexe ee Koofurta dalka Soomaaliya.

Sanadkii 1975-kii waxa u noqday Guddoomiyaha degmooyinka Cadale iyo Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe, halkaasna wuxuu dejiyay danyartii loo jiheeyay xagga Kalluumeysiga badda.

1-dii Luulyo 1976-kii waxaa uu ka noqday xubin xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed ee la oran jiray marka la soo gaabiyo (XHKS), isagoo ka mid ahaa ergadii shirka lagu furay ee ka timid gobolka Shabeellada Dhexe.

Sanadihii 1977-1979-kii waxa uu noqday Guddoomiyihii gobolka Shabeellada Dhexe iyo Duqii magaalada Jowhar, halkaas oo uu dagaalki 1977-kii ka qeybqaatay, isagoo u diray dagaalka ciidan lagu qiyaasay 13,000 oo carbisan, kuwaas oo lagu xareeyay xerada Hiilweyne ee degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe, iyadoo gobolka Shabeellada Dhexe ee dalka Soomaaliya uu xilligaasina noqday xarun lagu xareeyo maxaabiistii ciidamada Itoobiya ee lagu qabtay dagaalkaas oo gaarayay kumannaan askari.

Sanadihii 1980 - 1984-kii, waxaa uu noqday Wasiir Ku-xigeenka wasaaradda Howlaha Guud & Guriyeynta isla markaana ah  xildhibaan ka tirsan Xubnihii Golaha Shacabka Qaranka.

Max’ed Cabdi Yuusuf  wuxuu kaloo qabtay xilalka kala ah;-
 

  1. Wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaadiidka Cirka & Dhulka 1984 – 1985.
  2. Wasiir ku xigeenka wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta 1986.
  3. Wasiir ku xigeenkii wasaaradda Howlaha Guud & Guryeynta 1987 – 1989kii
  4. Wasiir ku xigeenka wasaaradda Shaqada & Isport-ga 1989kii.

Ka dib markii la riday dowladdii dhexe ee dalka Soomaaliya, sanadkii 1991dii wuxuu Max’ed Cabdi Yuusuf  ka mid ahaa xubnihii isaga soo baxay magaalada Muqdisho, wuxuuna deegaan ka dhigtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Sanadkii 1993dii wuxuu Max’ed Cabdi Yuusuf ka qeybgalay shirkii dib u heshiisiinta ee lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, wuxuuna ka mid noqday raggii loo soo xulay in ay ka mid noqdaan wejiga labaad ee shirka & meesha lagu qabanayo & cidda ka qeybgaleysa shirkaasiba.

Muddadii u dhaxeysay 1994 - 2000 wuxuu Max’ed Cabdi Yuusuf ku noolaa dalka Holland, wuxuu sanadkii 2000 ka qeybgalay shirkii dib u heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed ee lagu qabtay Carta, wuxuuna dhammaadkii shirkaasi noqday mudane ka tirsan baarlamaankii halkaasi lagu doortay, waxaana loo doortay guddoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamaankaasi.

Waxaa sanadkii 2003dii mudane Max’ed Cabdi Yuusuf  Sannadkii 2003dii loo magacaabay in uu ra’iisal wasaare ka noqdo dowladdii KMG aheyd ee uu hoggaamin jiray Dr. C/qaasim Salaad Xassan ka dib markii jegadaasi laga qaaday ra’iisul wasaare Xassan Abshir Faarax, wuxuuna 29kii bishii January, sanadkii 2004tii ku saxiixay heshiiskii magaalada Mbegathi ee dalka Kenya ku dhexmaray dowladdii uu hoggaaminayay & hoggaamiye kooxeedyadii dalka Soomaaliya ee dhidibbada loogu aasay dowladda federaalka KMG ah ee dalka Soomaaliya.

heshiiskaasi ka dibna wuxuu Max’ed Cabdi Yuusuf mar kale ka mid noqday xubnihii Golaha baarlamaanka ee bishii August, sanadkii 2004ta lagu yegleeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ka dib is afgaranwaagii dhexmaray xubnihii Golaha Baarlamaanka ee sababay in ay gacanta isula tagaan ee lagu diidanaa soo gelitaankii ciidamada Ethiopia ee dalka Soomaaliya dabayaaqadii sanadkii 2006dii.

Max’ed Cabdi Yuusuf wuxuu ka mid ahaa xubno tiradooda ay gaareysay 31 xubnood oo laga saaray Golaha baarlamaanka KMG ah ee uu hoggaaminayay guddoomiyihii hore ee baarlamaanka KMG ah ee dalka Soomaaliya Shariif Xassan Sh. Aadan, iyadoo waqtiga laga saarayay baarlamaankana ay magangelyo ku joogeen magaalada Asmara ee dalka Eretria.

Max’ed Cabdi Yuusuf wuxuu ka mid noqday xubnihii Golaha Dhexe ee Isbaheysigii Dib u Xoreynta ee dalka Soomaaliya ee dagaalka afka & addinkaba lahaa la galay ciidamadii Ethiopia ee soo galay dalka Soomaaliya.

Heshiiskii dhexmaray dhinacyadii isku hayay siyaasadda dalka Soomaaliya, wuxuu Max’ed Cabdi Yuusuf ka mid ahaa xubnihii Isbaheysigaasi uga qeybgalay heshiiskii magaalada Djibouti ee dalka Jibouti ku gaareen wuxuuna marka noqday mudane ka tirsan baarlamaanka KMG ah ee dalka Soomaaliya, isla markaana ah wasiirka Howlaha Guud & Guryeynta ee dowladda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

Gebogebadii inta aqoonta u leh Max’ed Cabdi Yuusuf waxay ku ammaanaan u hiillinta shacbiga Soomaaliyeed aadna u qaddariya dadkiisa, waxayna dadka Soomaaliyeed ku tilmaamaan odey Soomaaliyeed oo jecel midnimada & madaxbannaanida ummadda Soomaaliyeed guud ahaanba, iyadoo muddadii ay dagaallada ka socdeen dalka Soomaaliyana uusan sameysan jabhad ama koox hubeysan ama aan isbaaro u dhigan dadkiisa si uu ku gaaro kuraasta ay u tartamayaan qabaa’ilka ku hardamaya talada dalka Soomaaliya.

         
       Saxiixa heshiiskii magaalada Nairobi ku dhexmaray madaxda Soomaalida, sanadkii   
                                                                                2004ta
         
    Kulankii ay la yeesheen madaxweynaha dalka Eretria Issayas Afewerki wax yar ka dib
                      markii ay tageen magaalada Asmara xubnihii baarlamaankii xorta
         
    Max'ed Cabdi Yuusuf, Shariif Xassan Sh. Aadan & Prof. C/raxmaan Ibbi kulankii ay la
               yeesheen madaxweynaha dalka Eretria Issayas Afewerki wax yar ka dib
                      markii ay tageen magaalada Asmara xubnihii baarlamaankii xorta

Isha Qoraalkan
C/casiis cali Ibrahim "Xildhiban"
xildhiban@hotmail.com

 

Ogeysiis: Qoraaladan Taariikhda ah waxaa ka mamnuuc ah in aad daabacdo ama aad ku soo bandhigto wargeys, haddii aad u baahato fadlan la xiriir bahda uu cinwaankeedu yahay www.xildhibanpublications.com ama qoraha caanka ah ee C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"

 

Xildhibanpublications. London

 

 
WAXAY KUU DHIGEEN MA KUGU DHAQEEN

Waxay kuu dhigeen ma kugu dhaqeen

.

Taxanaha Taariikhda SOOMAALIYA

Taxanaha Taariikhda Soomaaliya

 

MAAHMAAHYO Murti & Madadaallo

Maahmaahyo Murti
& Madadaallo

.

More Books ....

Coming soon

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA


Coming soon

Dal aan dalkiisa Damqasho Laheyn

Dalaan dalkiisa Damqasho Laheyn

Home   |   Publications   |   About us   |   Photo Gallery   |   Contact us

_______________________________________________________

Copy Right xildhibanpublications.com ® All Reserved 2008