Last update: Axad - 23 Sep 2007
Naxariistii janno Allaha siiyee madaxweynihii hore ee Soomaaliya xukuumad soo marta ugu waqtiga dheeraa Sarreeye Gaas Maxamed Siyaad Barre wuxuu ku dhashay magaalada Shilaabo ee dalka Itoobiya, wallow uu ku dooday intii in uu ku dhashay magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya, sanadkii 1919kii.
Intii uu yaraa ayuu geeriyooday aabihiis, ma laheyn sida ay ku doodeen dad aqoon durugsan u lahaa Formal Education, haddaba si uu uga mid noqdo ciidamadii boliiska ee hoos iman jirey maxmiyaddii Talyaaniga ayay aheyd markii ay soo if baxday in uu ku dhashay gobolka Gedo; intaas ka dib waxaa u suurtagashay in uu ka mid noqdo ciidamadii loo qorey Boliiska, wuxuuna ka qeyb galay tababarro ay u fidiyeen maamulkii Maxmiyadda wuxuuna ka mid ahaa saraakiishii ugu horreysay ee loo diro dalka Talyaaniga sanadkii 1952dii.
Sanadkii 1956dii wuxuu noqday Soomaaligii ugu horreeyay ee maamul ay yeelato magaalada Muqdisho ka mid noqda, wuxuuna noqday taliyihii ugu horreeyay ciidamadii Boliiska gobolka Banaadir.
Markii la aasaasay ciidankii Xoogga Dalka wuxuu noqday taliye ku xigeen, markii xorriyadda la qaatay ka dibna, wuxuu qaatay nidaamkii MARXIST, wuxuu xiriir joogto ah la lahaa saraakiil u dhalatay dalkii la oran jirey USSR, horraantii Lixdankii.
Madaxweyne Max’ed Siyaad Barre wuxuu 21kii Okt. Sanadkii 1969kii talada dalka kula wareegay Afgambi aan dhiig ku daadan, ka dib markii toogasho lagu dilay madaxweynihii Jamhuuriyadda Soomaaliya Dr. C/rashiid Cali Sharmaarke, intii uu talada dalka hayayna waxaa kor u kacay shaqsiyaddiisii, iyadoo gidaar kasta oo yaalla Tuulo, Degmo, Gobol lagu sharaxay muuqaalladiisa ama sawiradiisa.
Guulihii ugu horreeyay ee la taaban karo ee uu gaarey muddo yarna waxay aheyd markii uu guddoonsaday qoraalkii afka Soomaaliga, haddaba qaadashadii xuruufta Laatiinka waxay noqotay in far Soomaaligu noqdo luqadda Qaranka, waxayna kalsooni badan siisay Soomaalida, sanadkii 1972dii oo ku beegneyd dabaaldeggii sanadguuradii Kacaanka ayaa dhammaan shaqaalihii dowladda lagu amray in ay bartaan qoraalka iyo aqriska Soomaaliga muddo 6 bilood gudahood ah.
Madaxweyne Siyaad Barre wuxuu ka mid ahaa dadka aaminsan Soomaali mid ah ama Great Somalia, ujeedadiisuna ay aheyd xoreynta & mideynta gobollada maqan ee Soomaaliya sida:-
Jabuuti;
Somali Galbeed;
NFD ;
Tanina waxay sababtay in dagaal faraha looga gubtay uu dhex maro dalka Soomaaliya & Itoobiya, dagaalkanna uu noqdo kii halmiyay Qarannimadii dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Dagaalkan intii uu socday wuxuu sanadkii 1977dii dalka ka eryay dalkii Midowga Sofiyeetka ama USSR ee Soomaaliya jaalka la ahaa, Ruushkuna waxay taageeradii ay u fidin jireen dalka Soomaaliya u wareejiyeen dalka Itoobiya, tanina waxay ku qasabtay dowladdii M.S. Barre in uu taageero ka doonto dowladda Mareykanka, waxayna dowladda siin jirtay $ 100 Million sanad kasta illaa laga soo gaaro sanadkii 1989kii.
17kii ilaa 18kii Okt. Sanadkii 1977dii xubno ka tirsan dhaqdhaqaaqa xoreynta reer Falastiin ay afduub ku qabsadeen diyaarad laga leeyahay dalka Jarmalka, Luftansa Flight 181 madax furashana u qabsadeen 86 ruux ayay ciidamadii Soomaalida oo kaashanaya ciidamo Jarmalka ka socday suurtagaliyeen in ay soo furtaan diyaaraddii ay dadkii la socday, wuxuuna hoggaamiyihii dalka Jarmalka Chancellor Helmut Schmidt ka helay abaalmarino isugu jirey Qalab & Gaadiid iyo taageero kaleba.
Muddadii uu dalka ka talinayay wuxuu fuliyay barnaamijyo waxtar u leh bulshada, horumarinta dhismeyaasha Warshadaha iyo Wadooyinka isku xira inta badan gobollada iyo degmooyinka dalka.
Sanadkii 1986dii wuxuu shil gaari ku galay wadada Afgooye ee koofurta ka xigta magaalada Muqdisho, waxaana loola cararay Isbitaal ku yaalla dalka Sacuudi Carabiya, wuxuuna dalka dib ugu soo noqday isagoo caafimaad qaba.
Muddadii uu dalka madaxweynaha ka ahaa waxaa lagu eedeeyaa in uu geystay falal ka soo horjeeda bini’aadannimada, hey’adaha u dooda xuquuqul Insaankuna ku tilmaameen hoggaamiye naxariis daran, iyo amarkii uu ku bixiyay geerida malaayiin aan waxba galabsan.
26kii bishii Jannaayo sanadkii 1991dii ayay jabhadihii la dagaallamayay xukunkiisa ka eryeen xaruntii madaxtooyada ee magaalada Muqdisho, wuxuuna u cararay magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo, halkaas oo uu ku sugnaa illaa laga soo gaaro bishii Abril sanadkii 1992dii, waxaa dalka ka saarey ciidamo u daacad ahaa hoggaamiyihii ururkii USC/SNA Jeneraal Max’ed Faarax Ceydiid.
Intaas ka dib wuxuu magangalyo siyaasadeed ka helay dalka Nigeria, wuxuu 2dii bishii Jannaayo sanadkii 1995tii ku geeriyooday magaalada Legos ee dalkaas, waxaana lagu aasay magaalada Garbaharey ee gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya.
Intii talada dalka laga qaaday waxaa la qabtay in ka badan 14 shirar dib u heshiisiin ah iyadoo wax guullo ah oo laga soo hoyay ayan jirin, Soomaaliyana ma yeelin dowlad shaqeysa wixii intaa ka dambeeyay.
Allaha u naxariistee S/Gaas Max’ed Siyaad Barre intii uu noolaa wuxuu guursaday haweenka kala ah;-
1. Faadumo Aw Muusse Fiqi
2. Khadiijo Macallin Ismaaciil
3. Falxado Gurrac
4. Dallaayo Xaaji Xaashi Jaamac Geri
5. Maryan Xaaji Xassan
6. Khadiijo Ibrahim Ciise
Sidoo kale carruurtiisuna waxay kala yihiin;-
1. S/Guuto Maslax Max’ed Siyaad
2. G/Sare Cali Max’ed Siyaad
3. G/Sare Shire Max’ed Siyaad
4. G/Sare Xassan Max’ed Siyaad
5. Dr. C/llaahi Max’ed Siyaad
6. Guuleed Max’ed Siyaad
7. Diiriye Max’ed Siyaad
8. Ayaanle Max’ed Siyaad
9. Faadumo Max’ed Siyaad
10. Shamhaad Max’ed Siyaad
11. Canab Max’ed Siyaad
12. Cosob Max’ed Siyaad
13. Suuban Max’ed Siyaad
14. Xaawo Luul Max’ed Siyaad
15. Deeqo Max’ed Siyaad
16. Shamso Max’ed Siyaad
17. Ijaabo Max’ed Siyaad
18. Haweeya Max’ed Siyaad
19. Hodan Max’ed Siyaad
20. Ladan Max’ed Siyaad.
Madaxweyne Max'ed Siyaad Barre & boqorkii dalka Ethiopia, Heyle Salasse
Codsi:- Fadlan haddii aad heysid qoraal ku saabsan madaxweynihii hore ee Soomaaliya Allaha u naxariistee S/Gaas Max'ed Siyaad Barre noo soo gudbi.
|
Madaxweyne Max'ed Siyaad Barre oo la taagan xubno ka tirsan ciidamadii Soomaaliya Madaxweyne Max'ed Siyaad Barre oo lka dhexmuuqda xubnihii waxrashada loogu qaaday dalka Talyaaniga, sanadkii 1953dii |
Isha qoraalkan;
C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"
|
|